Muqdisho —
Weerarkii Jimcihii lagu qaaday Hotelka Xayaat ee magaalada Muqdisho ayaa qaatay saacado badan in la soo afjaro kadib markii ay adkaatay in laga adkaado maleeshiyadii Al-Shabaab ee qabsatay hoteelka.
Cabdisalaam Guuleed, taliye ku-xigeenkii hore ee Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) ee Soomaaliya, ayaa sheegaya in weerarkaasi uu ahaa kii ugu saacadaha badnaa ee weerarrada ay horey Al-Shabaab ugu qaadday hotel ku yaalla Muqdisho.
Caasho Ibraahim Aadan oo kula xiriirta khadka taleefanka ayuu u faah faahiyaya qaabka uu u dhacay weerarka Hotel Xayaat.