Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Falanqeyn ku saabsan weerarada Al-shabaab ee gobolka Hiiraan


Kooxda al-Shabaab ayaa in ka badan 21 qof ku dishay inta u dhaxeysa magaalooyinka Maxaas iyo Baladweyne, iyada oo sidoo kale gubtay dhowr gaari oo raashiin ka qaaday Baladweyne kuna sii jeeday Maxaas, waxaana dowladda Soomaaliya oo weerarkaas cambaareysay ay sheegtay inay jawaab ka bixin doonto.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa Hiiraan iyo Galgaduud ka socday howlgallo qabaa'illada gobolka ay ka wadeen, kuwaas oo dagaallo kala horyimid kooxda al-Shabaab.

Haddaba, sidee ayay kooxda Al-Shabaab u saameyn kartaa dagaallada qabiillada ay ka wadaan gobollada qaar, kuwaas oo ay Shabaabku dhibsadeen, sidee ayayse dowladda Soomaaliya uga faa'ideysan kartaa dagaalka ay dadku kul ajirto Al-shabaab.

Maxamed Sheekh Xuseen oo deggan gobolka Virginia ee dalkan Mareykanka kana faallooda arrimaha ammaanka iyo siyaasadda, ayaa arrimahani uga waramay Jamaal Axmed Cismaan.

Falanqeyn weerrarada Al-shabaab.mp3
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:36 0:00

XS
SM
MD
LG