Shirkii afar-geesoodka ahaa ee ka dhacay magaalada Muqdisho ee ay ku kulmeen madaxda dalalka Soomaaliya, Djibouti, Ethiopia iyo Kenya ayaa taageero loogu muujiyey hawlgallada ka dhanka ah ururka al-Shabab ee ay waddo dawladda Soomaaliya iyo sidii ay dalalka gobolku isaga kaashan lahaayeen hawlgallo wadajir ah oo laga sameeyo goobaha ay ku sii hadhsan yihiin kooxda al-Shabab.
Haddaba, Maxaa keenay in xilligan ay madaxda gobolku u midoobaan la dagaalanka kooxda al-Shabaab? Maxayse tallaabadani ku soo kordhin kartaa dedaallada ay waddo dawladda Soomaaliya ee ay kula dagaalamayso kooxda al-Shabab? Su’aalahaas iyo kuwo kaleba, weriyaha VOA ee magaalada Muqdisho Cabdicasiis Barrow ayaa hordhigay qaar ka mida aqoonyahanka ku nool magaalada Muqdisho:
Facebook Forum