Nairobi —
Dalalka shirkii shalay ka qayb galay ee kala ah Ethiopia, Djibouti iyo Kenya ayaa ah kuwo xudduud la leh Soomaaliya, isla markaana ay ciidamo ka joogaan gudaha dalka, sidoo kale dalalkan ayay dhibaato badani kasoo gaartay weerarrada ururka al-Shabab.
Haddaba muxuu noqon karaa doorka ay ka qaadanayaan, la dagaalanka ururka al-Shabab, waddamada safka hore ama deriska la ah Soomaaliya? Su’aashaas iyo kuwo kale ayaa weriyaha VOA ee magaalada Nairobi, Khadar Maxamuud Xareed, wuxuu hordhigay Faarax Isaaq oo ah aqoonyahan bartay xiriirka caalamiga ah ee dawladaha iyo arrimaha ammaanka.
Facebook Forum