Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faaqidaadda Todobaadka:Muranka Golaha Guurtida.


Shirguddoonka Guurtida
Shirguddoonka Guurtida

Barnaamijka waxaan todobaadkan ku falanqeynaynaa muranka ka dhextaagan shirguddoonka golaha guurtida ee Somaliland.

Todobaadkii hore ayaa gudoomiyaha iyo labadiisa gudoomiye-ku-xigeen waxay fadhi uu lahaa gollaha guurtida ka qireen inay xal u waayeen muran iyo khilaaf dhexdooda ka aloosnaa.

Khilaafka ayaa ka dhashay kadib markii gudoomiyuhu ku eedeeyay ku xigeenkiisa inuu isbedello aan sharci ahayn uu ku dhaqaaqay xilli uu dalka ka maqnaa.

Hadaba maxaa lagu macneyn karaa khilaafkan rasmi ah ee shir-gudoonka ka dhaxeeya, Kaalin intee le’eg ayayse xisbiyada siyaasadu ku leeyihiin khilaafkan, su’aalahaasi iyo kuwo kaleba waxaa falanqeynaya aqoonyahano iyo khubaro ay ka mid yihiin;

Rashiid Sh. Allaahi Gandhweyne oo UK degan ahna rug-cadaa si weyn u la socda arrimaha Somaliland.

Muuse Jaamac Maxamed oo lataliye u ahaan jiray guurtida Hargeys-na ku sugan.

Mahdi Gaboose oo ah gudoomiyaha machadka nabada ee Bariga Afrika oo Washington jooga.

Prof C/xakiin Yusuf Qeyre oo macalin ka ah Jaamacada Luuci iyo jaamacada Somaliland university of Technology oo isna Hargeysa ku sugan.

Barnaamijka oo dhamaystiran qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso.

XS
SM
MD
LG