Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faaqidaadda: Dagaalka ay qorsheynayso DKMG


Faaqidaadda: Dagaalka ay qorsheynayso DKMG
Faaqidaadda: Dagaalka ay qorsheynayso DKMG

Barnaamijkan Faaqidaddu wuxu ka hadlayaa dagaalka ay DKMG ku qaadeyso mucaaradka iyo muranka ka taagan ciidanka lagu soo tababaray Kenya

Dowladda FKMG ayaa in muddo ahba qorsheynaysay weerarro ay ku qaaddo goobaha ay mucaaradku deggan yihiin ee magaalada Muqdisho, balse qorshahaasi ayaan wali hirgalin. Dhinaca kalena ciidamo ka tirsan DFKMG oo tabarro uga socdaan dalka Kenya ayaa waxaa ka dhasay muran ku saabsan goobta ay ka howl gali doonaan. Haddaba maxaa hortaagan in dowladdu ay weeraro qaaddo, muxuuna yahay muranka ku saabsan halka ay ciidamadu ka howl galayaan, su'aalahaasi iyo kuwo kale ayaan ku faaqidaynaa barnaamijkeena faaqidaadda ee Todobaadkan.

Waxaana Todobaadka barnaamijka ka qeyb galaya Wasiirka Gaashaandhiga ee DKM Cabdalla Boos Axmed oo jooga Nairobi, Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Maxamed Sh. Maxamuud (Gacmodheere) oo ku sugan London, Prof. Axmed Muumin Warfaa, lataliyihii hore ee Madaxweyne Sh. Shariif oo ku sugan Gobolka Utah, iyo Daahir Mire Jibriil oo ahaa lataliyihii hore ee Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf oo isna ku sugan Gobolka Minnesota.

Barnaamijka oo dhameystiran, qeybta hoose ee qoraalkan ka dhegayso.

XS
SM
MD
LG