Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faaqidaadda Todobaadka: Afduubka Maraakiibta iyo Doonyaha


Burcad-Badeedda
Burcad-Badeedda

Barnaamijkeena waxaan ku faaqidaynaa kororka ku yimid afduubka loo geysto maraakiibta iyo doonyaha ganacsiga u sida Somalia

Burcad-badeedda ayaa kordhiyay afduubka ay u geysanayaan doonyaha baddeecadaha ganacsi u sida dalka Somalia.

Dhowrkii maalmood ee danbeeyey waxay burcad-badeeddu gacanta ku dhigeen ilaa iyo 8 doonyood oo u rarnaa ganacsato Somali ah oo marayay biyaha Somalia, Hadaba afduubkan ayaa saameyn intee le'eg ayuu ku yeelanayaa dhaqaalaha Somalia, maxayna noqon kartaa ujeedada ka danbeysa afduubka lagu bartilmaameedsanayo doonyaha ganacsiga u wada Somalia, suaallahaasi iyo kuwo kale ayaan ku eegaynaa barnaamijkeena Faaqidaadda Todobaadka, waxaana ka qeybgalaya; Prof. C/laahi Sheekh Nuur oo ah wasiiru-dowlaha qorsheynta iyo Iskaashiga DKMG oo ku sugan Nairobi, Prof. C/laahi Maxamed Weheliye oo hay'adda WFP kala shaqeeya arrimaha baddaha iyo dekeddaha iyo Cabdi Cali Faarax oo ah ganacsade ka wakiil ah doonyaha ganacsiga u rara dalka Somalia.

Barnaamijka oo dhamaystiran qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso.

XS
SM
MD
LG