Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faaqidaadda: Soomaalida Qurbaha iyo Masaajidyada


Faaqidaadda: Soomaalida Qurbaha iyo Masaajidyada
Faaqidaadda: Soomaalida Qurbaha iyo Masaajidyada

Barnaamijka Faaqidaadda ee toddobaadkan wuxuu ku saabsan yahay koror ku yimid masaajidyada ay Soomaalida qurbaha ku nool dhistaan.

Barnaamijkayaga Faaqidaadda toddobaadkan wuxuu ku saabsan yahay sida sii kordhaysa ee Soomaalida qurbuhu isaga kaashanayaan dhismayaasha masaajidada cusub ee ay ku baxaan malaayiinta Dollar.

Soomaalida ayaa lacagahaasi bixiya kuwaasoo gudahooda iska soo dhex-uruuriya.

Haddaba, barnaamijkan wuxuu ka hadlayaa lacagaha ku baxa dhismaha masaajidadaasi, waxay kaga duwan yihiin masaajidadii ku yaalla Afrikada Bari iyo waliba eedaha loo jeediyo masaajidyadaasi oo ku saabsan kaalinta ay ku leeyihiin dhalinyarada Soomaalida ee u dagaalka tagay Somalia.

Barnaamijkan oo uu Studiowga VOA-da ee magaalada London uu ku soo diyaariyay Cabdisalam Hereri waxaa ka qaybgalaya;

-Sheekh Cabdiraxamaan Shariif, madaxa isku-taga cullimada waqooyiga Ameerica oo jooga magaalada Minneapolis

-Maxamud Sheekh Axmed Dalmar, Weriye rug-caddaa ah oo aqoon dheer u leh culuumka Islaamka oo London jooga

-Sheekh Siciid Maxamed farah, Imaamka masaajidka Daaru- salaam ee galbeedka London

-Sheekh Maxamed Idiris Axmed oo imam ka soo noqday masaajido ku yaalla gobollada Ohio iyo Georgia ee dalka Maraykanka, haatana ka mid ah cullimada Soomaalida ee magaalada London.

XS
SM
MD
LG