Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faaqidaadda: Soo Xulista Odayaasha Guurtida


Dowladda KMG ah ee Somalia ayaa sheegtay in qaar ka mid ah guurtida beelaha somaliyeed ee loo igmaday inay soo xulaan 825ta ergo ee ansixineysa Dastuurka Somalia ay yeelan doonto ay gaareen Magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale waxaa jira dad dhaliisan qaabka ay wax u socdaan iyo soo xulisa odayaasha beelaha, yaa casuumay odayaasha mase ka madax banaanyihiin saxiixayaashii lixda ahaa ee roadmapka iyo heshiisyadii Garowe.

Waa qodobka ay ku saabsantahay faaqidaada todobaadka waxaana marti iigu ah.

Engineer C/raxman Cumar Cusman Yarisow Afhayeenka DKMG, oo Muqdisho Jooga, Xildhiban Cawad Axmed Cashara oo ku sugan magaalada Nairobi iyo Professor Xassan Mahadale oo ku jira khadka taleefanka ee Lusiyana dalkan Mareykanka.

Banaamijka oo maqal ah halka hoose ee Qoraalkeena ka dhageyso.

XS
SM
MD
LG