Toddobaadkii hore ururka Xisbul-Islaam ayaa sheegay inuu ku biiray kooxda Al-Shabaab. Xisbul-Islaam waxay sheegeen in hoggaanka Xisbul-Islaam oo uu ka mid yahay Xasan Daahir Aways ay isku raaceen inay qaataan oo ay ku biiraan magaca Al-Shabaab maadaama ay wadaagaan fikir iyo mabda' isku mid ah.
Haddaba midowggaasi maxaa keenay, muxuuse dhalin karaa, su'aallahaasi iyo kuwo kale ayaa waxaan ku faaqideynaa barnaamijkeena Faaqidaadda Toddobaadka. Barnaamijkan waxaa arrimahaasi ka dooddaya
Xasan Xundubey Jimcaale oo ah aqoonhayan degan London,
Bashiir Salaad Dhoolayare, Wakiilka Xisbul-Islaam ee Yurub
iyo C/qaadir Xaaji Max'uud Dhaqane oo shahaadada Master-ka ka diyaariyanaya Jaamacadda Nairobi si dhowna ula socda arrimaha Somalia.