Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faaqidaada Todobaadka iyo Baarlamaanka KMG


Baarlamaanka Somalia
Baarlamaanka Somalia

Barnaamijka todobaadkan waxaa uu falanqaynayaa dood ka soo dhexbaxaysa Barlamaanka oo ku saabsan muddada xukuumadda dowladda KMG.

Qaar ka tirsan xildhibaanadda baarlamaanka Somalia ayaa sheegaya in mudaddii xukuumadda raisal-wasaare Sharmaarke ay dhamaatay oo ay ku ektahay 22-febraayo.

Xildhibaanadan ayaa ku baaqaya in xukuumaddu ay baarlamaanka kalsooni waydiisato si ay u sii shaqeyso.

Halka Fikirkaasi ay dhanka kale si si weyn u qaadacayaan xildhibaano kale oo iyaguna qabaa in xukuumaddu ay waqit wali haysato.

Hadaba Barnaamijkeena Faaqidaadda todobaadkan arrimahaasi ayaa ku eegaynaa. Waxaa ka qeybgalaya Xildhibaan Cali Jayte Cismaan, Xildhibaan Cumar Islow Maxamed oo labaduba ku sugan Muqdisho, Prof Maxamuud Maxamed Xassan oo ah aqoonyahan jooga Muqdisho iyo C/laahi Sh. Xassan oo ah siyaasi ku nool magaalada London.

Barnaamijka oo dhamaystiran ka dhegayso midigta sare ee boggan.

XS
SM
MD
LG