Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faah-fahain ku saabsan gargaarka ay dalbadeen Soomaaliya iyo hay'adaha caalamiga


Naasir Cabdi Caruush
Naasir Cabdi Caruush

Mas’uuliyiinta Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyey in weli waddanku uu halis ugu jira macluul dhacda haddii aan waqtigii loo baahnaa lagu helin gargaarka ay shalay si wadajir ah u codsadeen dawladda Soomaaliya iyo hay’daha caalamiga ah oo dhan.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay inay xilligan gurmad degdeg ah u baahan yihiin, iyadoo gaajo ay hayso in ka badan 8 milyan.

Abaarta soo jiitamaysay ayaa barakacisay boqollaal kun oo qof, sidoo kale galaafatay nosha malaayiin xoolo ah oo ay dadku ku tiirsanaayeen.

Haddaba Haaruun Macruuf ayaa xaaladda abaarta iyo dadaallada socda ka waraystay Wasiirka Arrimaha Bani’aadminnimada iyo Maaraynta Masiibooyinka ee Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Naasir Cabdi Caruush oo ka mid ahaa mas’uuliyiinta ka qaybgashay munaasabadda jeedinta codsiga caalamiga ah.

Faah-fahain ku saabsan gargaarka ay dalbadeen Soomaaliya iyo hay'adaha caalamiga
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:20 0:00

XS
SM
MD
LG