Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Eritrea: Ma aqoonsanin dowladda Somalia


Eritrea: Ma aqoonsanin dowladda Somalia
Eritrea: Ma aqoonsanin dowladda Somalia

Salax Omaar, safirka Eritrea u fadhiya Kenya ayaa ka hadlay cunaqabateynta QM ee Eritrea. Safiirku wuxuu xusay inaysan aqoonsanayn DFKGM

Dalka Eritrea ayaa mar kale si kulul u cambaareeyay go’aanka Qaramada
Midoobay cuno qabateynta ugu rogtay, waxayna sheegtay inaanay aqbali
doonin.

Saalax Omaar oo ah safiirka Eritrea u jooga Kenya ayuu shir jaraa’id
oo uu ku qabtay magaalada Nairobi ka sheegay in xayiraada lagu soo
rogay dalkiisa ay tahay mid xaq darro ah oo uu ka danbeeyo dalka Mareykanka.

Xayiraada la saaray Eritrea waxa ka mid ah in kormeer lagu sameeyo
wixii gelaya iyo wixii ka soo baxaya dalkaasi, duulimaadka iyo hub
inaanay dibadda ka soo iibsan Karin. Waxana ay ku eedeeysay Maraykanka
inuu ka dambeeyo.

Safiirku wuxuu sheegay in Eritrea ay tahay dal yar oo aanay awood u
lahayn inuu taageero maaliyadeed iyo mid hubeed uu siiyo kooxaha ka
jira dalka Soomaaliya. Wuxuuna sheegay in dalkiisu uusan xuduud la
lahayn dalka Soomaaliya.

Saalax Oomaar, wuxuu hoost ka xariiqay inaysan aqoonsanayn dhamaan dowladihii Somalia ee dibedda lagu soo dhisay. Safiirku wuxuu ugu danbeyn ugu baaqay beesha caalamka inay faraha kala baxaan arrimaha Somalia.

XS
SM
MD
LG