Wararka naga soo gaaraya deegaanada ku dhow degmada Qandala ee Gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegaya in duqeymo cirka ah lala beegsaday saakay aroortii fariismo ay maleeshiyada Daacish ku lahaayeen deegaankaas.
Xogta ay VOA-du ka heshay dadka tuuloyinka Afcad iyo Sheebaab oo ka tirsan Qandala ayaa sheegaysa in labo duqayn oo dhinca cirka ah lala beegsaday tuulooyinkas, gaar ahaan saldhigyo ay Daacish ku laheyd.
Wariyaha VOA-da uga soo waranta Puntland Faadumo Yaasiin Jaamac ayaa soo sheegtay in weli aan la xaqiijin khasaaraha ka dhashay duqeyntan.
Maamulka Puntland ayaan weli ka hadal duqeyntan, mana jirto cid kale oo illaa iyo hadda sheegatay, marka laga reebo xogta ay VOA-du ka heshay dadka deegaanka.
Dhawaan ayaa Maamulka Puntland uu beeniyay jiritaanka weerar ay dowladda dhexe ee Soomaaliya ay sheegtay in ciidamadeed ay ka fuliyeen Buuraleyda Caalmadow.
Beenintaas ayaa timid kadib markii Dowladda Soomaaliya ay sheegatay in duqayn ay iska kaashadeen saaxiibada caalamiga ah, ay ku dileen saddex ka mid ah horjoogeyaasha kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.
Madal