Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Duqeyn ka dhan ah maleeshiyada Daacish oo ka dhacday gobolka Bari


Drone
Drone

Duqeyn dhinaca cirka ah ayaa xalay saqdii dhexe ka dhacday buuraha Calmiskaad ee degmada Iskushuban ee gobolka Bari ee Puntland, halkaas oo la sheegay inay fariisin ku laahaayen maleeshiyada Daacish, sida ay VOA u xaqiijiyeen ilo amni iyo dadka deegaanka.

Duqeyntan ayaa socotay ilaa saaka waabarigii, yadoo ilaa hadda aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay. Ma jirto ila hadda cid sheegay inay ka dambeysay duqeyntan.

Maahan markii ugu horreysay oo duqeymo ka dhan ah maleeshiyada Daacish ay ka dhacaan deegaannadaas, iyada oo sannadihii ugu dambeeyay ay buuraleyda gobolka Iskushuban iyo Galgala ay ka dhaceen weerarro dhinaca cirka ah oo ka dhan ah Daacish.

Weriyaha VOA Faaduma Yaasiin Jaamac ayaa warkan Boosaaso inooga soo dirtay.

Duqeyn ka dhan ah maleeshiyada Daacish oo ka dhacday gobolka Bari
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:10 0:00

XS
SM
MD
LG