Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Duqa Boosaaso oo Maanta La Doortay


Boosaaso, Bossaso
Boosaaso, Bossaso

Magaalada Boosaaso, ayaa waxaa maanta ka dhacay doorasho lagu dooranayey guddoomiyaha ama Duqa magaaladaasi, taasi oo uu ku guuleystay Injineer Yaasiin Mire Maxamuud.

Magaalada Boosaaso, ayaa waxaa maanta ka dhacay doorasho lagu dooranayey guddoomiyaha ama Duqa magaaladaasi, taasi oo uu ku guuleystay Injineer Yaasiin Mire Maxamuud.

Injineer Yaasiin ayaa helay dhammaan codadka 28-ka xubnood ee ka midka ahaa 29-ka xubnood ee golaha deegaanka Boosaaso ee maanta ka qeyb galay doorashada.

Waxa ay guushiisa timid ayada oo musharaxa labaad ee la tartamayey oo lagu magacaabo Injineer Cumar Cabdullaahi Cusmaan Cumar Sadiiq, uu ka haray doorashada maanta ka dhacday jaamacadda bariga Afrika ee magaalada.

Cumar Sadiiq ayaa sheegay inuusan ku qanacsaneyn habka loo soo xulay golaha deegaanka Boosaaso ee maanta doortay guddoomiyaha degmada Boosaaso, sidaas darteedna uu u qaadacay doorashada.

Doorashadan iyo sida ay ku dhacday waxaa warbixintan nooga soo dirtay weriyahayaga Faadumo Yaasiin Jaamac.

Doorashada Boosaaso
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:03:35 0:00

XS
SM
MD
LG