Dowladda Uganda ayaa dareeska ciidamada ka dhigtay ilaa 20meeyo askari oo ka tirsan bileyska amniga magaalada Kampala, ka dib markii askartaasi lagu eedeeyay inay baarasho iyo handadaad u geysteen Soomaalida degan magaaladaasi.
Taliyaha ciidamada booliska magaalada Kampala ayaa tallaabadaasi qaaday ka dib markii uu kulan uu la qaatay xafiiska jaaliyadda Soomaalida Kampala ayna cabasho u gudbiyeen.
Soomaalida ayaa hawlgalkaasi uu qabsaday habeenkii Sabtida iyagoo ka soo baxay salaaddii Taraawiixda, sida uu VOA-da u xaqiijiyay C/fataax C/qaadir Qalinle oo ka tirsan xafiiska Jaaliyadda Soomaalida ku dhaqan Kampala.