Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa ku baaqday taallaabooyin cusub oo loogaga hortagayo cudurka dabaysha.
Walaaca jira ayaa ah inay soo noqdaan kiisas dabayl ah oo ka yimaada fayraska madaama aan carruurtu wada tallaalayn, ama ay jiraan meelo aan tallaaku gaarin.
Kulan arrintan ku saabsan ayaa maanta ka furmay magaalada Nairobi, dalka Kenya.
Jamaal Axmed Cusmaan ayaa ka waraystay Dr. Ubax Faarax Axmed oo ah Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Qoyska ee Wasaaradda Caafimaadka.