Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda Soomaaliya oo sii deysay lacagtii ay ka xayirtay Imaaraadka


Rooble iyo Mohamed bin Zayed
Rooble iyo Mohamed bin Zayed

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta sii deysay lacag gaareysay 9.6 milyan oo dollar oo ay dowladdu horey ugala wareegtay Imaaraadka Carabta bishii April sanadkii 2018-kii.

Lacagtaasi oo saarneyd dayuurad ay laheyd Imaaraadka ayaa hey’adaha sirdoonka Soomaaliya ay qabteen, waxaana ayna sabab u noqotay inuu xumaado xiriirkii dowladda Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Dowladda Soomaaliya ayaa lacagtaasi xilligii ay qabaneysay u sababeysay inay sharci darro kusoo gashay dalka, laakiin Imaaraadka ayaa ku sheegay inay aheyd mid loogu talagalay mushaaraadka ciidan ay dowladda u tababartay iyo gargaar kale.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa bishii Janaayo ku dhawaaqay in lacagtaasi oo taalay bankiga dhexe ee dowladda la sii deyn doono, balse waxaa lagu hakiyay wareegto ka soo baxday Madaxtooyada Soomaaliya.

Lacagtan ayaa la sheegay in maanta uu u qaaday Imaaraadka Ra’isul Wasaare Roble iyo wafdi uu hogaaminayo oo howlo shaqo ugu baxay Imaaraadka.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusub al-Cadaala oo ka mid ah wafdiga Ra'isul Wasaare Roble ee Imaaraadka u baxay ayaa VOA-du u xaqijiyay sii deynta lacagtaasi.

Imaaraadka ayaa howlgal uu ka billaabay Soomaaliya 2014-kii ku tababaray kumanaan ciidamada dowladda, waxa uu Muqdisho ka dhisay xarun lagu tababaro ciidamada iyo isbital ay gacanta ku hayeen.

Sidoo kale waxay taageero siin jireen ciidamada Puntland ee la dagaalanka burcad badeedda, balse waxaa howlihii ay Soomaaliya ka hayeen ay badankooda hakiyeen markii lacagtaasi lagala wareegay ee khilaafka dowladda kala dhaxeeya uu gaaray meel xun.

XS
SM
MD
LG