Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay $12.7 milyan gaarsiisay Somaliland


Mahdi Guuleed
Mahdi Guuleed

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay maanta guddiga gurmadka suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa u dirtay lacag dhan 12 milyan iyo 700 kun oo dollar, sida uu bartiisa twitter-ka ku sheegay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed.

Lacagtan ayaa iskugu jirta 11 milyan iyo 700 kun oo ah lacag loogu talo-galay barnaamijyada horumairnta Somaliland oo ay horey u haysay dawladda Soomaaliya, iyo 1 milyan oo dollar oo ay bixisay dowladda federaalka.

Madaxwenaha Somaliand Muuse Biixi Cabdi ayaa isaguna maanta jeediyey baaq caalami ah oo ku codsanayo lacag dhan 2 bilyan oo dollar oo lagu gargaaro 5 kun oo ah goobo ganacsi oo yaryar, kuwo dhexe iyo kuwo waaweyn oo uu saameeyey dadbkii baabi’iyey suuqa Waaheen.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay in dabkaasi uu si toos ah iyo si dadban u saameeyey qoys kasta oo ku nool magaalada Hargaysa.

Dabkan ayaa kacay Bishan April 1-deedii, waxaaa uu baabi’iyey suuqa.

XS
SM
MD
LG