Muqdisho —
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in duqeymo ay la kaashadeen saaxiibada caalamka ay ku dileen saddex ka mid ah horjoogeyaasha kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya.
Duqeynta ayaa waxa ay ka dhacday aag ka mid ah Buurta Caalmadow ee Gobolka Sanaag. Dhinaca kale, Dowladdu waxay sheegtay in uusan jirin qof rayid ah oo wax ku noqday.
Haddaba weriyaha VOA-da ee Muqdisho Cabdicasiis Barrow ayaa duqeyntaas ka wareystay wasiir ku-xigeenka warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala.
Madal