Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda Soomaaliya oo qirtay in la leexsaday qaar ka mid ah raashinkii DANAB


Danab
Danab

Dowladda Soomaaliya ayaa qiratay in qaar ka mid ah raashinka ciidamada Kumandoosta Danab ee Mareykanka uu tababaro ay leexsadeen saraakiil ka tirsan ciidanka.

Bayaan kasoo baxay ayey Wasaaradda Difaaca Soomaaliya ku sheegtay inay sameysay baaritaan dhaliyey in shaqada laga joojiyo oo la xiro dhowr sarkaal oo ka tirsan Danab.

“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa dhowrkii sano ee la soo dhaafay waxa ay xoojiyeen tallaabooyinkooda isla xisaabtanka ee waafaqsan ajandayaasha dib u habeynta ciidanka,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.

Qoraalka ayaa intaas ku daray “Baaritaanadaan ayaa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxa ay sheegeen in qayb ka mid ah raashinka Danab la leexsaday. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhacdaadaan ka falcelisay, waxa ayna isla markiiba billowday baaritaan taas oo keentay in shaqada laga joojiyo saraakiil ka tirsan Ciidanka si loo xaqiijiyo isla xisaabtanka iyo hufnaanta saadka ciidanka.”

Dowladda Soomaaliya ma aysan shaacin goorta ay dhacday leexsashada iyo nooca raashinka la leexsaday, balse waxay sheegtay inay “dhacdadan ku wargelisay dhinacyada ay khusayso, waxayna la wadaagi doontaa natiijada baaritaannadaas marka ay soo idlaadaan.”

Wasiirka difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ay la xiriirtay VOA, kama hadlin arrintan. Sidoo kale, safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaan jawaab deg deg ah laga helin.

Si kastaba, bayaanka ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya “ay qaadi doonto mas'uuliyadda bixinta raashinka Danab”.

“Wadahadalladii u dambeeyay ee labada dhinac ayaa DFS oo la tashi dhow la gashay dowladda Mareykanka waxa ay qaadi doontaa mas'uuliyadda bixinta raashinka Danab, waxaana ay hadda si dhow ula shaqeyneysaa Dowladda Mareykanka si ay ula wareegto mas’uuliyadda taakuleynta Ciidanka Danab ee CXD. DFS ayaa xoogga saarayso la wareegidda amniga iyo taakulaynta Ciidankeeda,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Faah-faahin dheeraad ah, waxaa soo jeedinaya Maxamed Colaad Xasan.

Dowladda Soomaaliya oo qirtay in la leexsaday qaar ka mid ah raashinkii DANAB
please wait

No media source currently available

0:00 0:01:50 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG