Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda Soomaaliya oo beenisay eedeyntii Amnesty


Al-Cadaala
Al-Cadaala

Dowladda Soomaaliya ayaa si adag u beenisay warbixin hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ay shalay ku sheegtay in duqeymo mataano ah ay fuliyeen militariga Soomaaliya oo adeegsanaya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga, lagu dilay dad rayid ah bishii March.

Hay’adda Amnesty International ayaa sheegtay in duqeymahan oo dhacay 18-kii bishii Maarso lagu weeraray beer ku taal agagaarka tuulada Baqdaad ee koonfurta gobolka Shabeellaha Hoose, ayna ku dhinteen 23 qof oo rayid ah, kuna dhaawacmeen 17 kale oo caruur u badan,

Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, wasiir ku-xigeenka warfaafinta Soomaaliya ayaa qoraal uu u soo diray VOA ku yiri “Ma hayno illaa hadda xogo ku saabsan in hawlgallada ciidamada ay Wwaxyeelo kasoo gaartay shacabka, waana waajib na saaran dawlad ahaan in aan hubino badqabka muwaadiniinta xilli kasta.”

Al-Cadaala ayaa qoraalkaasi ku sheegay in ciidamada Soomaaliya uu halbeeggooda koowaad yahay “xaqiijinta inaan waxyeello soo gaarin shacabka.”

Hay’adda Amensty International ayaa warbixinteedii shalay ku sheegtay in dadka deegaanka ay u sheegeen in "weeraradii ay fuliyeen diyaaradaha drone-ka TB2 ay daba socdeen dagaal culus oo dhanka dhulka ah" oo u dhexeeyay al-Shabaab iyo ciidamada ammaanka Soomaaliya.

Madal

XS
SM
MD
LG