Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda oo qaaday tallaabo wax looga qabanayo dilalka wadayaasha Mooto Bajaajta


Golaha Wasiirada
Golaha Wasiirada

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay qaadeyso tallaabooyin wax looga qabanayo dilalka dhallinayarada wada Mooto Bajaajta ee magaalada Muqdisho.

Maalmihii ugu dambeeyey ayaa waxaa magaalada caasimadda ah lagu dilay dhallinyaro dhowr ah, ayada oo dilalkaas badankood lagu eedeeyey ciidamada dowladda ee ku sugan baraha kontorool ee magaalada.

“Dowladda Soomaaliya waxay qaadeysa tallaabooyin xooggan oo wax looga qabanayo dambiyada ka dhanka ah wadayaasha Mooto Bajaajta ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Qoraalka ayaa intaas ku daray in shirkii Golaha Wasiirada ee maanta uu ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ku magacaabay guddi heer wasiir ah oo la tacaala walaaca amni ee sii kordhaya ee la xiriira arrintan.

Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale faray saraakiisha laamaha ammaanka ee dowladda inay qaadaan tallaabooyin deg-deg ah oo wax looga qabanayo dilalkaas, islamarkaana lala xisaabtamo askarta gaysaneysa.

XS
SM
MD
LG