Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda Itoobiya oo ka carootay hadal uu jeediyey safiirka Mareykanka


Safiirka Mareykanka ee Itoobiya Ervin J. Massinga
Safiirka Mareykanka ee Itoobiya Ervin J. Massinga

Dowladda Itoobiya ayaa Khamiistii diiday khudbad uu jeediyay safiirka Mareykanka oo ku baaqay in si wanaagsan loo ilaaliyo xuquuqda aadanaha, iyadoo wasaaradda arrimaha dibadda ay khudbaddaas ku tilmaantay "mid aan la rabin" iyo "talo-xumo".

Isagoo booqanaya dhisme taariikhi ah oo dhowaan dib loo dayac-tiray oo ku yaalla caasimadda Addis Ababa Abacadii, ayaa danjire Ervin Massinga wuxuu ku baaqay "hannaan cadaalad oo hufan" si wax looga qabto warbixinnada ku saabsan dilalka aan sharciga ahayn, xarigga aan sharciga ahayn, tacaddiyada galmada iyo xadgudubyada kale.

“Cidda ay mas’uuliyadda ka saaran tahay inay maamulaan Itoobiya, dowladda halkan, waddanku wax badan ayuu ka helayaa nabadda marka loo barbar dhigo furimaha dagaalka,” ayuu yiri.

“In la xiro oo la dhibaateeyo dadka dhaliila dowladda ma xalineyso arrimaha ay tahay in wax laga qabto,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya ayaa cambaareysay khudbaddii Khamiista, iyada oo sheegtay in ay ku jireen "eedeymo iyo talo aan loo baahnayn oo ku socda Dowladda Itoobiya."

“Hadalkaasi waa mid talo-xun, waxaana ku jira sheegashooyin jaahilnomo ah. Waa mid liddi ku ah xiriirka taariikhiga ah ee saaxiibtinimo ee ka dhexeeya Itoobiya iyo Maraykanka,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay wasaaradda.

Khudbadiisa, ayuu Massinga ku ku eedeeyay "dhammaan jilayaasha hubaysan" inay dalka ka geysteen dhibaatooyin bani'aadannimo, oo ay ku jiraan barakicinta rayidka.

Waxa uu ugu baaqay dagaalyahanada kooxaha kala duwan ee hubaysan, oo ay ku jiraan kooxda Oromada ee OLF -- oo ay dawladdu u aragto "urur argagixiso" - maleeshiyada is-difaaca ee Fano iyo Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray-ga (TPLF) in ay dalabkooda ku soo bandhigaan wadahadal halkii ay rabshado ku raadin lahaayeen.

Itoobiya oo ah dalka in ka badan 80 bulshooyin oo ku hadlay luuqado kala duwan, iyo dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika waxaa sanadihii dhowaa ka jiray dagaalo qowmiyadeed oo ku saleysan dhul sheegasho.

Faah-faahin dheeraad ah waxaa noo haya Cabdulqaadir Maxamed Mursal.

Dowladda Itoobiya oo ka carootay hadal uu jeediyey safiirka Mareykanka
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:35 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG