Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda: Waa in wadahadal lagu dhammeeyo khilaafka Koonfur Galbeed


Cabcasiis Laftagareen
Cabcasiis Laftagareen

Bayaan kasoo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay ka xuntahay 'shaqaaqooyinka gacan ka hadalka' ee saaka ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee dowlad goboleedka Koonfuur Galbeed.

"Dowladda Federaalka waxay ku boorrineysaa dhammaan qeybaha siyaasadda inay miiska wadahadalka ku xaliyaan kala aragti duwanaanshahooda, isla markaana ay ka fogaadaan in dhiig la daadiyo," ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliya.

Bayaan
Bayaan

Magaalada Baydhabo ayaa subixii hore ee saaka dagaal xooggan uu ka bilowday, waxaana lagu soo waramayaa inuu u dhaxeeyo ciidan ka amar qaata maamulka Koonfur Galbeed iyo maleeshiyo beeleed ka amar qaata qaar kamid ah musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha maamulkaas.

Mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa jiray khilaaf xoogan oo u dhaxeeyay Maamulka Koonfur Galbeed iyo mucaaradka kasoo horjeeda, wuxuuna salka ku hayaa muddo kordhin muransanayaasha Baarlamaanka Koonfur Galbeed ay saddex sano kahor madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ugu kordhiyey hal sano muddo xileedkiisa, kaas oo dhammaanaya 19 December, 2023.

Laakiin mucaaradka ayaa ku gacan-seyray kordhinta muddoo xileedka madaxweynaha.

XS
SM
MD
LG