War Deg-Deg ah

Dowladda federaalka oo sheegtay in howlgal lagu dilay 61 Shabaab ah

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Ilaa iyo 61 xubnood oo ka tirsanaa maleeshiyada ururka Al-Shabaab lagu dilay tiro kalena lagu dhaawacay hawlgal qorshaysan oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sida lagu sheegay qoraal ay soo saartay Wasaaradda Warfaafinta, howlgalkan oo ay iska kaashadeen Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) iyo saaxiibada caalamiga ah, ayaa ka dhacay beero ku yaalla duleedka deegaanka Xawaadlay ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

“Hawlgalkan ayaa lagu beegsaday maleeshiyaad Khawaarij ah oo lagu qiyaasay 150, kuwaas oo doonayay in ay weeraraan Ciidanka Xoogga Dalka iyo geesiyaasha deegaanka ee ku sugan Xawaadlay iyo Gaadiid ay qaraxyo ah kuwaasi oo ay ku diyaarinayeen Beero dhexdooda,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in laba gaari oo ahaa nuuca Homey iyo Noah oo ay ku xireen waxyaabaha qarxa, kuwaas oo ay qorshaynayeen inay soo galiyaan magaalada Muqdisho ayaa lagu burburiyay howlgalka.

Kooxda Al-Shabaab ayaan weli ka hadaly sheegashada dowladda.

XS
SM
MD
LG