Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda Federaalka oo sheegtay in howlgal cusub lagu dilay 10 Shabaab ah


NISA
NISA

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal ay fuliyeen sirdoonka Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka lagu dilay 10 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta ayaa lagu sheegay in howlgalkan uu ka dhacay deegaanka Buurweyn oo 23 KM waqooyi galbeed ka xiga degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

“Howlgalkaan ayaa lagu beegsaday Horjoogayaal ay ku raad joogeen Sirdoonka Soomaaliya kuwaas oo saarnaa gaari uu leeyahay Horjooge Ibnu Bashiir oo ah horjoogaha maleeshiyada ay khawaarijta ugu yeeraan Xisbada ee gobalka Hiiraan,” ayaa lagu yiri qoraalka dowladda.

Qoraalka ayaa intaas ku daray in markii gaariga la weeraray uu taagnaa meel fariisin u ahayd maleeshiyaad badan oo Al-Shabaab ah.

War-saxaafadeedka dowladda ayaa lagu sheegay in xubnaha lagu dilay howlgalka ay sidoo kale ku jiraan kuwa magacyadooda lagu sheegay
Muxsin iyo Anas “oo xisbada Al-Shabaab u qaabilsanaa” aagga Jalalaqsi.

VOA si madax-banaan uma xaqiijin sheegashada dowladda federaalka.

Dowladda ma shaacin saaxiibada caalamka ee la fuliyey howlgalka, hase yeeshee inta badan waxaa dowladda federaalka dhanka weerarada cirka ah ka saacida Mareykanka, oo aan weli wax war ah soo saarin.

XS
SM
MD
LG