Muqdisho —
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegatay in ka badan 50 maleeshiyaadka al-Shabaab in lagu dilay duqayn ka dhacday maanta degaan u dhow magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug.
Warbaahinta dawladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in hawlgalkan ay iska kaashadeen ciidamada dawladda iyo saaxiibada caalamka.
VOA si madaxbannaan uma xaqiijin khasaaraha ay dawladdu sheegtay inuu ka dhashay duqayntan.
Sheegashadan ayaa imaneysa ku dhowaad laba toddobad kadib markii dowladda Soomaaliya ay sheegatay 27-kii March 2023, in ka badan 80 ka titrsan maleeshiyaadka al-Shabaab in lagu dilay hawlgallo ka kala dhacay gobollada Mudug, Shabeellada Dhexe iyo Bakool
Madal