Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda federaalka oo digniin u dirtay shirkad heshiis shidaal baaris la gashay Somaliland


Wasiirka Batroolka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed
Wasiirka Batroolka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed

Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa diginin u dirtay shirkadda shidaalka ee Genel Energy PLC oo horey u sheegtay inay heshiis shidaal baaris la gashay Somaliland.

Wasaaradda Batroolka dawladda federaalka Soomaaliya ayaa war saxaafadeed ay soo saartay maanta ku sheegtay in aanu jirin fasax ay shirkaddaasi u haysato baarista iyo ka faa’iideysiga kheyraadka batroolka ee Soomaaliya.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay si cad u diidday sheegashada Genel Energy PLC ee ah in ay haysato xuquuq ay batroolka ama shidaalka uga baarto gobollada Waqooyi ee Soomaaliya, sida ku qornayd war saxaafadeedka, waxayna dawladda federaalku ugu baaqday shirkadda Genel Energy PLC inay joojiso sheegashada sharci darrada ah.

War-saxaafadeedkaas ayaa lagu sheegay in dawladda federaalka ay ka jawaabi doonto wax kasta oo xadgudub ku ah khayraadkeeda, ayna qaadi doonto wixii tallaabo ah ee sharcigu u bannaynayo si ay u ilaaliso madaxbannaanida dhuleed iyo midnimada iyo khayaaradkeeda, sida lagu sheegay war saxaafadeedkaas.

Shirkadda Genel oo ah shirkad caalami ah oo xaruunteedu tahay dalka Britain ayaa sanadihii 2012 iyo 2021 heshiis la saxeexatay maamulka Somaliland, sida ku qoran bogga interne-tka ee shirkaddaas.

VOA waxay la xiriirtay Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta ee Somaliland, marka ugu horraysa ee aan jawaab ka helno waan idiin soo gudbinaynaa.

XS
SM
MD
LG