Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Djibouti oo ka Digtay Dibadbaxyo


Wasiirka Arimaha dibadda ee Djibouti
Wasiirka Arimaha dibadda ee Djibouti

Xukuumadda Djibouti ayaa ka digtay dibadbax ay qorsheynayaan mucaaradka Djibouti oo dhici doona maalinta jimcaha ah ee 4-ta bishan March.

Xukuumadda Djibouti ayaa ka digtay dibadbax ay qorsheynayaan mucaaradka Djibouti oo dhici doona maalinta jimcaha ah ee 4-ta bishan March.

Wasiirka arrimaha dibedda ee Djibouti, Max'uud Cali Yuusuf ayaa VOA-da u sheegay inaan mucaaradku haysan ruqsad uu ku qabto mudaharaad, wuxuuna sheegay in xukuumaddu ay talaabo adag ka qaadi doonto.

Mucaaradka Djibouti ayaa maanta sheegay in maalinta jimcaha ah ay qaban doonaan mudaharaadyo looga soo horjeedo xukuumadda. Adan Rooble Cawaale oo ka tirsan mucaaradka ayaa xukuumadda ka codsaday inay sii deyso dadkii ay xirxiray kaddib dibadbaxii dhacay bishii Feb. 18-keedii.

XS
SM
MD
LG