Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaaliya oo sheegtay in Mareykanku ka caawiyay dilka 100 Al-Shabaab ah


Dowladda Soomaaliyaa ayaa sheegtay in ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa Mareykanka ay Arbacadii dileen ku dhawaad 100 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab, kadib howlgallo cirka iyo dhulka ah ka fuliyeen deegaannada Gal Libaax iyo Ceel Qurac ee bartamaha Soomaaliya.

Warka kasoo baxay wasaaradda warfaafinta dowladda Soomaaliya, ayaa ilaa hadda aysan wax faahfaahin ah ka bixin taliska milatariga Maraykanka ee Afrika ee loo yaqaan AFRICOM.

"Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay u mahad celinaysaa hawlgalka Mareykanka ee caawiya ciidanka Qaranka oo gacan ka siisay hawlgalkan lagu burburiyay qowleysatada Khawaarijta ah ee isku uruursanayay dhibaataynta dadka Soomaaliyeed." ayaa lagu yiri bayanka dowladda Soomaaliya.

Ma jiro war madax banaan oo xaqiijinaya tirada khasaaraha halwgallada ay sheegatay dowladda Soomaaliya.

Madal

XS
SM
MD
LG