Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Doorashooyinka Guud ee Britain.


Xaallad aan kala caddeyn ayaa la soo gudboonaatay doorashada Britain, kadib markii xisbi walba uu ku guuldaraystay inuu helo codka aqlabiyadda.

Doorashada guud ee Britain ayaa abuurtay xaallad aan kala caddeyn, kadib markii xisbiyadda tartamaya ay ku guuldaraysteen in midkood uu helo kuraas ku filan oo uu xukuumad ku dhisi karo.

Xisbiga mucaaradka ee Muxaafadka ayaa ugu badan kuraasta haatan la tiriyay, wuxuuna helay 305 kursi, xisbiga ra’iisul-wasaaraha ee Shaqaalaha ayaa kaalinta labaad galay, wuxuu helay 257, halka xisbiga kale ee mucaaradka ee Lib-Dem uu isna helay 57 cod.

Sharciga Doorashada Britain ayaa dhigaya in xisbigii hela 326 kursi uu noqonaya xisbiga aqlabiyadda yeelanaya kaasoo soo dhisiya xukuumad.

Haatan waxaa muuqata in la soo dhisi doono dowlad wadaag ah, inkasta oo aanay wali kala caddeyn laba xisbi ee dowladaasi wadaaga ah dhisi doona

Labada xisbi ee Muxaafadka iyo kan Gordon Brown ee Shaqaalaha ayaa u tartamaya sidii ay xisbiga kaalinta sadexaad galay ee Lib-Demka uga dhaadhicin lahaayeen inay dowlad waddaag ah wada samaystaan.

XS
SM
MD
LG