War Deg-Deg ah

Dood-cilmiyeed ku saabsan amniga Soomaaliya oo Muqdisho lagu qabtay

Qatar kamid ah Gobollada Soomaaliya, gaar ahaan bartamaha iyo Koonfur Galbeed waxaa bilihii ugu dembeeyay ka jiray dagaallo u dhexeeya ciidamada dowladda oo garab ka helaya dadka deegaanka iyo Al-shabaab.

Dagaalladaasi waxaa ku dhintay dad badan, kuwa kalana waxaa kasoo gaaray dhaawacyo, halka ceelal dad reer miyi ah ay ka cabi jireen lagu gubay.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii uu xafiiska yimid waxa uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-shabaab oo maamuleysay dhul ballaaran oo ku yaalla Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Haddaba, waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay dood-cilmiyeed la xiriirta amniga dalka, gaar ahaan fursadaha iyo caqabadaha dowladda kaga imaan kara dagaalka Al-shabaab, waxaana soo qaban qaabiyay shirkadda amniga ee lagu magacaabo Eagle Ranges Services.

Weriyaha VOA-da Cabdicasiis Barrow ayaa warbixintaan ku eegaya nuxurkii dood cilmiyeedkaasi lagu qabtay Muqdisho.

Doodda Amniga Qaranka.mp3

No media source currently available

XS
SM
MD
LG