Shirweynaha Xisbiga Dimqoraadiga ayaa maanta si rasmi ah uga furmaya magaalada Philadelphia ee Gobolka Pennsylvania.
Shirka ayaa ka furmi doona Xarunta Wells Fargo Centre oo ah garoon lagu ciyaaro kubadda kolayga iyo ciyaarta kale ee xeegada.
Shirweynaha waxaa maanta furi doona guddoonka xisbiga dimoqraadiga, waxaana ka hadli doona madax sare oo ka tirsan xisbiga.
Khudbadaha ugu muhiimsan ee caawa dhaca waxaa jeedinaya Elizabeth Warren oo ah gabadh ka tirsan aqalka Sanatka oo laga soo doorto Gobolka Massachusetts. Warren waxay ka mid ahayd xubnihii la sheegay in Hillary Clinto u tixgelisay inay u noqon karto madaxweyne ku xigeen. Waa gabadh codkar ah oo ay aad u taageeraan xubnaha dhinaca bidixda ee xisbiga Dimqoraadiga. Ugu dambayn waxay Hillary dooratay Sanatarla Virginia Tim Kaine inuu u noqdo madaxweyne ku xigeen.
Khudbad kale oo muhiim ah aadna loo wada sugayo waxaa jeedin doonaa Sanatar Bernie Sanders oo si weyn ula tartamay Hillary Clinton. Sanders ayaa la filayaa inuu mar kale si weyn u taageero Hillary Clinton khudbadda uu jeedin doono caawa. Sanders iyo taageerayaashiisa ayaa isha lagu hayaa khudbadaha iyo ka qaybgalkooda shirweynaha xisbiga.
Khudbadda ugu dambaysa waxaa caawa jeedinaysa Michele Obama oo ah marwada koowaad ee dalkan Maraykanka. Michele Obama waxay ka mid tahay xubnaha ay sida weyn u taageeraan xubnaha xisbga Dimoqraadiga.
Hase yeeshee furitaanka shirkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo fadeexo ay lasoo deristay guddoonka xisbiga dimoqraadiga oo lagu eedeeyey inay u xaglinayeen inay xisbiga kasoo baxdo oo tartanka ay ku guulaysato Hillary Clinton.
Fadeexaddan ayaa ka caraysiisay taageerayaasha Bernie Sanders oo aaminsanaa in hoggaanka xisbigu ka eexanayo. Hase yeeshee ma jiraan wax caddaymo ah oo muujinaya in xisbigu sameeyey wax sharcidarro ah.
Guddoomiyaha xibsiga Dimqoraadiga Debbie Wasserman Schultz ayaa lagu wadaa inay xilka iska casisho dhammaadka shirweynaha xisbiga.