Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Djibouti: Taliye ciidan oo la dilay


Djibouti: Taliye ciidan oo la dilay
Djibouti: Taliye ciidan oo la dilay

Cabdi Boqore, Taliyaha ciidanka Jandarmaariiga Djibouti ayaa gurigiisa maydkiisa laga helay iyadoo ay laabtiisa 4 xabadood ku taallo.

Taliyaha ciidamada Jandaarmaariiga ee Djibouti Cabdi Boqore ayaa xalay geeriyooday, waxaana maydkiisa laga helay gurigiisa iyadoo dhowr xabadood ay laabta kaga yaalaan.

Ma cadda in taliyuhu isagu is dilay iyo in la dilay, laakiin warbaahinta dowladdu waxay sheegtay in taliuhu is dilay.

Adan Rooble Cawaale oo ah siyaasi reer Djibouti ah, madaxna xisbi lagu magacaabo PND ayaa VOA-da u sheegay in warar isqilaafsan ay ka soo baxayaan dilka Taliyaha. Adan wuxuu xusay in ehellada taliyuhu ay ka shakisan yihiin in taliyaha la dilay.

Adan Rooble wuxuu xusay in baadhitaanka ay dowladdu wado ee ku saabsan dilka taliyaha uu yahay mid aysan dadku ku qancay.

Idaacadda VOA waxay isku taxalujisay inay la hadasho madaxda Djibouti, balse ma suuro galin.

Qeybta hoose ee qoraalkan ka dhagayso wareysiga Adan Rooble Cawaale.

XS
SM
MD
LG