Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Djibouti: Mucaaradka oo ka Hadlay Doorashada


Djibouti: Mucaaradka oo ka Hadlay Doorashada
Djibouti: Mucaaradka oo ka Hadlay Doorashada

Mucaaradka Djibouti ayaa shuruudo ku xidhay in ay ka qayb qaataan doorashada madaxtinimada .

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ugu baaqay axsaabta mucaaradka ah in ay raacaan hannaanka dimuqraadiyadda oo ay ka soo qayb qaataan doorsahooyinka madaxtinimada oo Djibouti ka dhici doona afar bilood ka dib.

Madaxweyne Geelle ayaa sidaasi ku sheegay khudbadiisii munaasabadda Ciidda.

Hase ahaate axsaabta mucaaradka ah ayaa mar kale ku celiyay inaanay doorashada ka qayb gali doonin illaa ay xukuumaddu buuxiso shuruudo ay ku tilmaameen in ay lagama maarmaan u yihiin doorsho xalaal ah.

Guddoomiyaha xisbiga MRD Dahir Axmed Faarax oo ku sugan dalka Belguim ayaa VOAda u sheegay inaanay suurtagal ahayn in ay tartanka madaxtinimada xiligan ka qayb qaataan.

Isbahaysiga axsaabta mucaaradka UAD ayaa todobaadka dambe ku kulmaya magaalada London.

Waraysiga Daahir Axmed Faarax oo dhamaytirsan ka dhegayso qaybta hoose ee boggan.

XS
SM
MD
LG