Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Diyaarado maanta baajiyey duulimaadyadii garoonka Aadan Cadde


Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho
Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho

Diyaarado dhowr ah oo duulimaadyo ku tegi lahaa garoonka Aadan Cadde International Airport ee Muqdisho ayaa maanta ka baaqsaday ka dib markii digniin amni ay ka soo baxday safaaradda Maraykanka ee Nairobi.

Safaaradda ayaa sheegtay inay halis ku wajahan tahay dhowr goobood oo Muqdisho ah oo uu ka mid yahay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Axmed Jaamac Cumar ayaa sheegay in aysan jirin wax digniin ah oo ay soo saartay dowladda Soomaaliya. Waxa uu sheegay in diyaaradaha qaarkood ay yimaadeen magaalada.

Warbixintan waxaa soo diray Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.

Diyaarado maanta baajiyey duulimaadyadii garoonka Aadan Cadde
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:56 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG