Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhul-Gariir ku Dhuftay Indonesia


Dhul-gariir cabirkiisu yahay 8.6 ayaa ku dhuftay dhul-xeebeedka waqooyi-galbeed ee dalka Indonesia.

Dhul-gariirkan ayaa kor u qaaday feejignaanta Tsunami ee goblka ku yaala badda Indian Ocean.

Dhul-gariirkaasi ayaa ku dhuftay meel 430km koonfur galbeed ka jirta Banda Ache oo ah caasimada gobolka Ache.

Dhulgariirka maanta ka dhacay Indonesia ayaa qiyaastii ahaa mid la mid ah kii dhacay sannadkii 2004-tii, waxaana la sheegay in uu ruxay daaro, isagoo saameeyay ilaa Singapore, Thailand iyo dalka India.

Madaxweynaha dalka Indonesia Sisilo Bambang Yudhonyo ayaa sheegay in xaalada uu abuuuray dhulgariirka ee Ache ay haatan tahay mid gacanta lagu hayo aysanna jirin cabsi laga qabo Tsunami.

Ilaa iyo hadda lama sheegin wax khasaaro ah oo uu geeystay dhul-gariirka, yadoo dadkii ku jiray daaraha ay u soo yaaceen waddooyinka iyaga oo argagaxsan.

XS
SM
MD
LG