Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhaqaale la’aan soo foodsaartay xarumaha lagu dhaqanceliyo dadka kasoo goosta al-Shabaab


Cabdullaahi Maxamed Nuur
Cabdullaahi Maxamed Nuur

Hay’adda Qaramada Midoobay ee IOM oo hirgelisa mashruuca dhaqancelinta dadka kasoo goosta ururrada xagjirka ah ayaa sheegtay inaysan weli soo gaarin dhaqaalihii lagu socodsiin lahaa xarumahaasi oo ku kala yaalla magaalooyinka Muqdisho, Baydhaba iyo Kismaayo.

Hay'adda IOM waxay sheegtay inaysan ilaa hadda wax lacag ah soo gaarin.

“Xilligan IOM ma hayso dhaqaalihii ay kusii wadi lahayd barnaamijka,” sidaasi waxaa VOA qoraal ugu sheegay madaxa IOM ee Soomaaliya Frantz Celestin.

Hay’adda ayaa dhowaan ku wargelisay mas’uuliyiinta dawladda Soomaalida in dhaqaalihii lagu wadayey xarumahan uu istaagayo sannadka cusub bilowgiisa haddii aan dawladda Soomaaliya iyo deeq-bixiyayaashu heshiis ka gaarin mustaqbalka hawlaha barnaamijka dhaqancelinta.

“Haddii aan maalgelin nasoo gaarin inta ka dhaxaysa hadda iyo 31-ka December, masii wadi doono taageerada barnaamijka,” ayuu yiri Celestin.

“Taageeradeenu waxay istaagaysaa 31-ka Decmber 2022,” ayuu intaasi ku daray.

Waxa uu sheegay in tallaabadan aysan ahayn go’aan kama dambays ah oo lagu joojinayo taageerada, balse ay tahay hakin ilaa inta heshiis lala gaarayo dawladda federaalka oo ku saabsan sidii horey loogu socon lahaa.

Mashruucan oo ay ku baxdo malaayiin dollar sannad walba waxa dhaqaalihiisa bixiya waddamada deeq-bixiyayaasha oo ay ugu horreeyaan Britain iyo Jarmalka. Safaaradaha labadaas waddan ee Soomaaliya waxay muujiyeen inay doonayaan in dawladda Soomaaliya ay doorkeeda ka qaadato sidii ugu dambayn ay dawladdu ula wareegi lahayd hawsha mashruucan.

Afhayeen u hadlay safaaradaha Bratain iyo Jarmalka ee Soomaaliya ayaa u sheegay VOA Somali in labada dawladood ay in muddo ah soo taageerayeen barnaamijka.

“Barnaamijka hadafkiisu waxa weeye inuu dariiq bad-qab leh u jeexo kuwa soo goostay ee ay khatartoodu yartahay iyo haweenka ku xiran inay ka haraan kooxaha hubaysan ee aan dawliga ahayn, iyo si cimri leh in dib loola mideeyo bulshadooda,” ayuu ku yiri af-hayeenka u hadlay labada safaaradood qoraal uu usoo diray VOA.

Safaaradaha Britain iyo Jarmalka waxay sheegeen inay doonayaan inay sii wadaan taageerada dhaqaale ee ay siiyaan barnaamijkan sannadaha 2023 iyo 2024, waxayse sheegeen in wadahadalladii ay kula jireen dawladda federaalka ay weli socdaan.

“Si loo xaqiijiyo in (mashruucan) sii socdo muddada fog, lahaanshihiisa waxa lagu wareejinayaa dawladda Soomaaliya,” ayuu yiri afhayeenka.
Waxa uu sheegay inay qayb ka qaadanayaan naqshadaynta nidaamka kala-guurka ayna qorshaynayaan inay taageeraan hirgelintiisa kadib marka is-afgarad laga gaaro qorshaha. Waxay sheegeen inay wadahadalladu weli socdaan.

Barnaamijkan Dhaqancelinta iyo Maamulka ee Dagaallamayaasha soo goosta waxa uu soo socday muddo illaa 12 sano ah, waxaana ka faa’iidaystay kumannaan qof oo kasoo goostay kooxaha xagjirka siiba Al-Shabaab, kuwaasi oo iskugu jira rag iyo dumar oo helay dhaqancelin, dibna ugu biiray bulshada.

Saddexda xarrumood ee xilligan ka furan Muqdisho, Baydhaba iyo Kusmaayo ayaa la sheegay inay ku jiraan dad soo goostay oo ka badan 450, sida ay sheegeen ilo codsaday inaan magacooda la sheegin xasaasiyadda shaqadan darteed.

Mashruucani waxa uu hoos yimaaddaa Wasaaradda Amniga Gudaha ee dawladda Soomaaliya. VOA waxay la xiriirtay Wasaaradda Amniga Gudaha, waxayna Wasaaraddu sheegtay inaysan xilligan waraysi ka bixinayn barnaamijkan. Marka ugu horraysa ee ay taasi suurtogashana waan idiin soo gudbin doonaa.

Haddaba muhiimadda mashruuca dhaqancelinta ayaa Haaruun Macruuf uu ka waraystay Wasiirkii hore ee Amniga Gudaha Cabdullaahi Maxamed Nuur oo xilkaasi hayey ilaa bishii August ee sannadkan.

Dhaqaale la’aan soo foodsaartay xarumaha lagu dhaqanceliyo dadka kasoo goosta al-Shabaab
please wait

No media source currently available

0:00 0:10:07 0:00

XS
SM
MD
LG