Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhaqaalaha Somalia Oo Horumar Sameeyey


Maal-gelinta ay dalka ku sameynayaan dadka Soomaalida iyo ammaanka soo wanaagsanaanaya ee Soomaaliya ayaa hormariyey dhaqaalaha.

Bankiga Adduunka ayaa sheegay in dhaqaalaha Soomaaliya uu sameynayo kobac iyo horumar wanaagan oo la taaban karo.

Bankiga Adduunka ayaa warbixin cusub ku sheegay in horumarka dhaqaale ee Soomaaliya ay ugu wacan tahay maal-gelinta ay dalka ku sameynayaan dadka Soomaalida ee ku laabanaya dalkooda, ayaga oo ka tagaya qurbaha.

Ammaanka soo wanaagsanaanaya ee Soomaaliya ayaa warbixinta Bankiga Adduunka ay ku macneysay qeyb ka mid ah sababaha sare usii qaadaya dhaqaalaha Soomaaliya.

Warbixinta Bankiga Adduunka ayaa sidoo kale lagu ammaanay dowladda Soomaaliya oo la sheegay inay si wanaagsan u hagaajisay hannaanka maaliyadda ee dalka Soomaaliya.

Si aan wax uga ogaanno arrintan ayaa waxaa Caasho Ibraahim Aadan waxa ay wareysatay Prof. Xuseen Axmed Warsame oo Cilmiga Dhaqaalaha ka dhiga jamaacadda Calgary ee dalka Canada.

Dhaqaalaha Soomaaliya
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:04:08 0:00

XS
SM
MD
LG