Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda Canada oo masaafurineysa dhallinyaro Soomaali ah


Dowladda Canada ayaa la sheegayaa inay qorsheyneyso inay musaafuriso dhallinyaro Soomaali ah oo dalkaasi ku tagay siyaabo kala duwan.

Saraakiisha dowladda Canada ayaa ku doodaya in dhallinyaraasi ay yihiin Kenyan, maadaama ay ku galeen dalkaasi baasaboor Kenyan ah.

Keyf Cali waxey kamid tahay guddi ay sameysteen dhallinyaradaasi qaarkood, wariyaha VOA-da ee Canada Xuseen Nuur Xaaji ayay u xaqiijisay inay kamid tahay dhallinyarada la qorsheynayo in laga musaafuriyo Canada, balse waxey ka cudurdaaratay in xilligan ay wareysi dhiibto.

Laakiin Keyf, waxey warbaahinta CBC ee Canada u sheegtay in kadib markii la dhibaateeyay qoyskeeda ay kasoo carartay Soomaaliya iyadoo Canada ku gashay baasaboor Kenyan ah.

Lama oga tirada rasmiga ah ee dowladda Canada ay qorsheyneyso inay musaafuriso.

Wakaaladda xudduudaha Canada waxey sheegtay inay gaarayaan 157 qof, balse dadka u doodaya dhallinyaradan ayaa rumeysan inay gaarayaan boqollaal qof.

Haddaba si aan arrintan wax badan ugu ogaanno ayaa wariyaha VOA-da Xuseen Nuur Xaaji waxa uu wareystay Maryan Axmed Maxamuud (Maryan Qoorweyne), oo ka shaqeysa arrimaha bulshada, kana mid ah dadka u doodaya dhallinyaradan, ugu horreyna waxa uu waydiiyay sida ay ku heleen warka ah musaafurinta.

Dhallinyaro Soomaali ah oo laga masaafurinayo dalka Canada
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:26 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG