Gaalkacyo —
Maamul goboleedka Galmudug, waxaa ka socda kacdoon Shacab oo Ka dhan ah malayshiyada Al-Shabaab, waxaana gobolka Mudug uu ka mid yahay deegaannada uu ka jiro kacdoonkaas, iyada oo dhallinyarada deegaanka ay abuul ugu jiraan dagaal ka dhan ah Al-shabaab.
Cabdi Daahir Colow waa horjoogaha dhalinyarada ku sugan deegaanka Wisil. Waxa Uu wariaha VOA-da, Cabdiwaaxid Macallin Isaaq uga waramay doorka dadka deegaanka ee ka dhanka ah Al-Shabaab.