Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhageysiga dacwadda kursiga Fahad Yaasiin oo billaabatay


Fahad
Fahad

Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa maanta u fadhiistay dacwadda kursiga tirsigiisu yahay HOP086 kaasi oo la sheegay inuu ku soo baxay La-taliyaha Amniga Qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya Fahad Yaasiin, balse guddiga Doorashada heer federaal ay laaleen nateejadiisa iyagoo sheegay inaan nidaamkii saxda ahaa la marin.

Qareennada Fahad Yaasiin ayaa ku dooday in guddiga heer federaal aysan xaq u lahayn joojinta natiijada, halka qareenada lidka ku ahaa ay sheegeen in guddigan uu yahay midka maamulayey guud ahaan doorashada ayna kursigan joojiyeen kahor inta aan la qaban doorashadiisa.

Maxkamadda sare ayaa sheegtay inay soo saari doonto go’aan ayna dib kasoo sheegi doonto.

Dhinaca kale waxaan weli bilaaban doorashada 16-ka kursi ee gobolka Gedo iyadoo weli lagu kala aragti duwan yahay go’aankii guddiga doorashada ee ahaa in doorashada loo wareejiyo magaalada Ceel-Waaq.
Xasan Kaafi Qoyste ayaa warbixintan kasoo diray Muqdisho.

Dhageysiga dacwadda kursiga Fahad Yaasiin oo billaabatay
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:02 0:00

XS
SM
MD
LG