Kabtanka kooxda heysata horyaalka Premier League ee Manchester City Kevin De Bruyne ayaa dhaawac dhinaca muruqa ah uu soo gaaray, kulankii ay 3-0 kaga badiyeen Burnley oo ahaa kulankoodii furitaanka horyaalka Premier League Jimcihii.
Tababare Pep Guardiola ayaa ka carooday dhaawaca soo gaaray kubbad qaabeeyaha reer Belgium.
De Bruyne, oo 32 jir ah, ayaa sidoo kale laba bilood ka hor dhaawac muruqa ah uga baxay finalkii Champions League, Guardiola ayaana sheegay inay dib u soo laabatay dhibaatadaas.
“Haa mar kale ayuu dhaawacmay, isla dhaawicii xilli ciyaareedkii hore oo kale ayuu ii sheegay, marka taasi waa dhibaato, waxaan u baahanahay inaan dib ugu laabano fikirka kooxda caafimaadka,” ayuu Guardiola u sheegay Sky Sports.
“Si fiican ayuuna u ciyaarayay daqiiqadihii ugu horeeyay, laakiin nasiibdaro mar kale ayuu dhaawacmay" ayuu raaciyay.
Reuters.
Madal