Beledweyne —
Ciidamada Xoogga Dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa howlgalladii ugu dambeeyay tuulooyin badan oo ka mid ah gobollada Hiiraan iyo Galguduud kala wareegay maleeshiyada Al-Shabaab, sida ay sheegeen saraakiisha dawladda.
Deeggannada cusub ee Al-shabaab lagala wareegay ayaa waxaa ka mid ah Moqokori iyo Tardo, Moora-Eri, Gumarre iyo Qooxle oo hoos taga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, sida ay VOA u sheegeen saraakiisha degaanka, halka gobolka Galguduudna laga qabsaday deegaannada Maygaag-dhuub, Dhisaqo, Dhuumoodle, iyo Cali-weyd iyo Dacawa-xun.
Wariyeyaasha VOA ee Galmudug iyo Hirshabeelle Xuseen Xasan Dhaqane iyo Cabdiwaaxid Macallin Isaaq ayaa wareysiyo iyo warbixinno la xiriira howlgalkan inoo soo diray.