Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dawladda Soomaaliya oo sheegatay dilka 40 Al-Shabaab ah

Al-Shabaab
Al-Shabaab

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ku dhowaad 40 ka tirsan maleeshiyaadka ururka al-Shabaab lagu dilay hawlgal ka dhacay laba degaan oo hoos yimaada degmada Afgooye, laguna kala magacaabo Baghdaad iyo Baldooska.

Hawlgalkan ayaa dawladda Soomaaliya sheegtay inay iska kaashadeen ciidamada qaranka iyo saaxiibada caalamka.

Saaxiibada caalamka ayaa kaalmada ay siiyeen ciidamada dawladda Soomaaliya ay ka mid yihiin duqaymo dhinaca cirka ah oo la beegsao maleeshiyaadka al-Shabaab. War saxaafadeedka dawladda Soomaaliya ayaa sheegay in hawlgalka ka dhacay Baghdaad uu ahaa duqayn.

War saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in hawlgalkan ka dambeeyey markii ciidamada dawladda ka war heleen Khawaarij isku urursanayey degaannadaas, sida lagu qoray war saxaafadeedkaas.
Dawladda ayaa sheegtay in hawlgalka Baldooska lagu dilay 24 ka tirsan Al-Shabaab, halka kan ka dhacay Baghdaad lagu dilay 15 oo iyaguna ka tirsan al-Shabaab.

Dhinaca kalena, ururka al-Shabaab ayaa ku sheegay barahooda telegram in duqaynta ka dhacday Baghdaad ay ku dhinteen dad rayid ah oo ay ku jiraan carruur.

Warbaahinta al-Shabaab teegaarta ayaa dhinacooda sheegtay in duqaynta Baghdaad ay ku dhinteen 18 qof oo rayid ah. Sheegashooyinka ayaan VOA si madaxbannaan u xaqiijinin.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta dawladda federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Caddaala oo ay VOA la xiriirtay ayaa VOA u sheegay “inay hubinayaan wararka sheegaya in dad rayid ah ku dhinteen duqaymaha.”

Faah-faahin dheeraad ah waxaa soo jeedineysa Sahra Cabdi Axmed.

Dawladda Soomaaliya oo sheegatay dilka 40 Al-Shabaab ah
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:42 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG