Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaallo culus oo ka Dhacay Muqdisho


Ugu yaraan 15 qof ayaa ku geeriyootay 50 kalana way ku dhaawacmeen dagaallo culus oo markale ka dhacay dagmada Hodan ee magaalda Muqdisho.

Dagaaldan iyo duqaymahan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo kooxaha hubaysan ee ka soo hor jeeda ayaa waxa ay daba joogaan dagaallo kale oo xoog leh oo habeenimadii Khamiistii 2dii habeenimo ee saqda dhexe ka qarxay magaalda Muqdisho.

Waxaana dagaaladani ay ahaayeen qaab saf balaaran ah ay u soo qaadeen kooxaha hubaysan ee dowlada ka soo hor jeeda ay ka dhaceen goobo ay ka mid yihiin xarunta madaxtooyada, Hotel-Golobal, xeebta Liido, xaafadda Maana Boolyo ee dagmada Shibis, dagmooyinka Hodan, Howl wadaag iyo deegaanka Xoosh ee dagmada Dharkenleey, iyadoo sidoo kalana ay dagaallda ka dhaceen isgoyska ex kontoral Afgooye iyo degmada Dayniile

Dagaaladan ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa ku geeriyooday 15 qof, iyadoo ku dhawaad 50 kalana ay ku dhaawacmeen, waxaana guud ahaan marka la isku daro tirada dhimashada dagaalkii xalay Khamiistii iyo kii maanta oo Jimce ah ay gaarayaan ilaa 15 qof

Warsaxaafadeed uu soo saaray ururka Al Shabaab ayuu ku sheegay in dagaaladii ka dhacy Muqdisho ay dhinacooda kaga geeriyoodeen 2 qof halka 3 kale oo ciidamadooda ka tirsana ay dhaawacyo fudud ka soo gareen hase ahaatee khasaaraha ugu xanuunka badan ee dagaalkaasi ayaa waxa uu soo gaaray dadka rayidka ah kuwaasoo deegaanadooda ay madaafiicdu ugu tagtay.

Howl wadeenada ambalaasyada gurmadka ayaa isbitaalada magaalda Muqdisho u kala daabulayay dadka dagaalda wax ku noqday, iyadoo 21ka mid ah dadka dagaalka ku dhaawacmay ay gaarsiiyeeen goobaha caafimaadka sida uu ku warmayo Cali Muuse oo ka tirsan masuuliyiinta ambalaasyada magaalda Muqdisho.

Dagaaldan iyo duqaymaha ka soconayay magaalda Muqdisho ayaa waxaa guulo ka kala sheegtay dhinacyadii uu u dhaxeeyay.

Sheekh Maxamed Cismaan Caruus oo ah af hayeenka ururka Xisbul Islaam ayaa shir jaraa’id oo uu saxaafada u qabtay waxa uu kaga hadlay goobaha ay weerarka ku qaadeen isaga oo sheegtay in ay guulo gaadheen.

Dhinaca kale af hayeenka ciidanka booliska gaashaanle dhexe Cabdulaahi Xasan Bariise oo isaguna saxaafada la hadlay ayaa ku tilmaamay dagaalda dhacay kuwa aan micno lahayn oo ay soo qaadeen kooxo nabad diid ah .

Dagaalada ayaa wali ka socday qaybo ka mid ah magaalada fiidnamada caawa oo Jimce ah.

warbixinta dagaalada ka dhegayso qaybta hoose ee qoraalkan.

XS
SM
MD
LG