Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaallo ka Socda Caasimadda Libya


Dagaallo ka Socda Caasimadda Libya
Dagaallo ka Socda Caasimadda Libya

Dagaallo goos-goos ah ayaa ka soconaya caasimadda Libya ee Tripoli, kuwaasoo u dhaxeeya ciidamada mucaaradka iyo ciidamada daacadda u ah Mucaamaral Qadaafi.

Mucaaradka Libya ee doonaya inay soo afjaraan xukunka hoggaamiye Mucamar Al-qadafi ayaa sheegay inay hadda maamulaan inta badan caasimada dalkaasi ee Tripoli, laakiin waxaa lagu soo waramayaa in ciidamada Qafaafi ay wali haysteen xaafaddo qaarkood iyagoo halkaasina ka wada iska caabin.

Mucaaradka ayaa sheegay in dagaalladan ay bilowdeen kaddib markii taangiyo ay ka soo baxeen dhismaha Qadafi ee Bab al-Aziziya oo ay kaddibna rasaasna fureen.

Weli lama oga halka uu ku suganyahay Madaxweyne Qadaafi

Dagaalkan ka socda caasimadda Tripoli ayaa yimid kaddib markii mucaaradku ay soo jiireen difaacyadii ciidamda Qadaafi u yiilay banaanka magaalada oo ay soo gaareen fagaaraha cagaaran oo ku yaalla bartamaha caasimada, halkaasoo kumanaan dadka degaanka ah ay dabaaldegyo ka sameeyeen iyagoo soo dhaweeynayay mucaaradka.

XS
SM
MD
LG