Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal u dhexeeyay ciidanka dowladda iyo maleshiyada Al-shabaab oo ka dhacay Daaru-Nicma


Wararka ka imanaya gobolka Shabeellda Dhexe ayaa sheegaya in maanta dagaal uu ka dhacay degaanka Daaru-Nicma oo u dhow degmada Ruun-Rirgood, kadib weerar ay halkaasi kusoo qaadeen maleeshiyaadka ururka al-Shabaab.

Wasaaradda Gaashaandhigga ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamadu ay iska difaaceen weerar uga yimid maleeshiyaadka ururka al-Shabaab, khasaare laxaad lehna ay gaarsiiyeen.

Dhinaca ururka al-Shabaab ayaa sheegtay inay weerar ku qaadeen Daaru-Nicma.

Bishii Juun 30-keedii ayaa al-Shabaab ay horey weerar ugu qaadeen Daaru Nicma, weerarkaas oo loo adeegsaday qarax. Mas’uuliyiinta dawladda ayaa sheegay in qaraxa al-Shabaab uu burburiyey masaajidka Daaru-Nicma.

Haddaba sida dagaalkan u dhacay ayaa weriyaheenna Xasan Kaafi Qoyste uu ka waraystay guddoomiyaha degmada Ruun-Nirgood oo ay tuuladu hoos timaado Macallin Muxyiddiin Maxamuud Kulmiye.

Wareysi dagaalkaa Daaru-nicmo
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:44 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG